soomaali
Surah Sad ( The Letter Sad ) - Aya count 88
ص ۚ وَالْقُرْآنِ ذِي الذِّكْرِ
( 1 ) 
Xarafka hore wuxuu kutusin mucjisada (Quraanka), Quraanka sharafta leh yaan kudhaaranay (waalaydin soo bixin).
بَلِ الَّذِينَ كَفَرُوا فِي عِزَّةٍ وَشِقَاقٍ
( 2 ) 
Kuwii gaaloobay waxay kusuganyihiin isla wayni iyo khilaaf (xaqdiido).
كَمْ أَهْلَكْنَا مِن قَبْلِهِم مِّن قَرْنٍ فَنَادَوا وَّلَاتَ حِينَ مَنَاصٍ
( 3 ) 
Imisaan halaagnay hortood qarni ay markaas dhawaaqeen waqti aan dhawaaq waxba tareynin.
وَعَجِبُوا أَن جَاءَهُم مُّنذِرٌ مِّنْهُمْ ۖ وَقَالَ الْكَافِرُونَ هَٰذَا سَاحِرٌ كَذَّابٌ
( 4 ) 
Waxayna layaabeen gaaladii inuu uyimaado dige ka mid ah waxayna dhaheen gaaladii kani waa sixirroow beenaale ah.
أَجَعَلَ الْآلِهَةَ إِلَٰهًا وَاحِدًا ۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيْءٌ عُجَابٌ
( 5 ) 
Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii ilaah kaliya, arrintaasi waa wax lala yaabo.
وَانطَلَقَ الْمَلَأُ مِنْهُمْ أَنِ امْشُوا وَاصْبِرُوا عَلَىٰ آلِهَتِكُمْ ۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيْءٌ يُرَادُ
( 6 ) 
Wuu kala tagay shirkii (madaxdii) kamidka ahayd, waxayna isu dhahen war socda oo ku samra (kusugnaada) Ilaahyaalkiina, arrintani waa wax laynala dooni.
مَا سَمِعْنَا بِهَٰذَا فِي الْمِلَّةِ الْآخِرَةِ إِنْ هَٰذَا إِلَّا اخْتِلَاقٌ
( 7 ) 
Manaan kumaqlin tanoo kale diintii kale (Nasraaniyada) arintan Eebe kaliya waa wax la been abuurtay.
أَأُنزِلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ مِن بَيْنِنَا ۚ بَلْ هُمْ فِي شَكٍّ مِّن ذِكْرِي ۖ بَل لَّمَّا يَذُوقُوا عَذَابِ
( 8 ) 
Ma quraankaa lagudajiyey isagoo na dhexjooga (anagaa ka mudan) waxayse kaga sugan yihiin Quraankayga shaki walina mayan dhahdhamin Cadaabkayga.
أَمْ عِندَهُمْ خَزَائِنُ رَحْمَةِ رَبِّكَ الْعَزِيزِ الْوَهَّابِ
( 9 ) 
Ma agtaadaa khasnadaha naxariista Eebehaaga adkaada ee bixinta badan (khayrka) yahay.
أَمْ لَهُم مُّلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا ۖ فَلْيَرْتَقُوا فِي الْأَسْبَابِ
( 10 ) 
Mise waxaa u sugnaaday xukunka Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, ha uu koreen sallaanno xagga (samada).
جُندٌ مَّا هُنَالِكَ مَهْزُومٌ مِّنَ الْأَحْزَابِ
( 11 ) 
Junuuda (Colka) halkaas joogaana (Gaalada) waa xisbiyo la jabin (laga adkaan).
كَذَّبَتْ قَبْلَهُمْ قَوْمُ نُوحٍ وَعَادٌ وَفِرْعَوْنُ ذُو الْأَوْتَادِ
( 12 ) 
Waxaa beeniyey xaqan iyaga ka hor qoomkii (Nabi) Nuux iyo (reer) caad iyo Fircoonkii tiirarka lahaa.
وَثَمُودُ وَقَوْمُ لُوطٍ وَأَصْحَابُ الْأَيْكَةِ ۚ أُولَٰئِكَ الْأَحْزَابُ
( 13 ) 
Iyo Reer Thamuud iyo qoomkii (Nabi) Luudh iyo Asaxaabtii kaynta (Qoomkii) Nabi Shucayb, kuwaas waa xisbiyadii (Xaqa beeniyey).
إِن كُلٌّ إِلَّا كَذَّبَ الرُّسُلَ فَحَقَّ عِقَابِ
( 14 ) 
Midaan Rasuullada beenin majiro, markaasay ciqaabtaydii ku dhacday.
وَمَا يَنظُرُ هَٰؤُلَاءِ إِلَّا صَيْحَةً وَاحِدَةً مَّا لَهَا مِن فَوَاقٍ
( 15 ) 
Kuwaasuna (Gaaladii Makaad) ma sugayaan waxaan hal qaylo ahayn, mana laha cilmi iyo sugid midna.
وَقَالُوا رَبَّنَا عَجِّل لَّنَا قِطَّنَا قَبْلَ يَوْمِ الْحِسَابِ
( 16 ) 
Waxayna dhaheen Gaaladii Eebow noo dadaji qaybtanada (Ciqaabtanada) Maalinta xisaabta ka hor, (Qiyaamada).
اصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَاذْكُرْ عَبْدَنَا دَاوُودَ ذَا الْأَيْدِ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ
( 17 ) 
Ku samir (u adkayso) waxay sheegi xusuusana addoonkaygii Daa'uud ahaa ee xoogga lahaa, wuxuuna ahaa noqosho (Toobad keen) badane.
إِنَّا سَخَّرْنَا الْجِبَالَ مَعَهُ يُسَبِّحْنَ بِالْعَشِيِّ وَالْإِشْرَاقِ
( 18 ) 
Annagaa u sakhirray (u fudaynay) Buuraha, wayna la tasbiixsadaan Galab iyo Subaxba.
وَالطَّيْرَ مَحْشُورَةً ۖ كُلٌّ لَّهُ أَوَّابٌ
( 19 ) 
Shimbirahana waa loo kulmiyey, dhammaantoodna waxay u noqdaan (Adeecaan) Eebe.
وَشَدَدْنَا مُلْكَهُ وَآتَيْنَاهُ الْحِكْمَةَ وَفَصْلَ الْخِطَابِ
( 20 ) 
Waana adkaynay xukunkiisa (Daa'uud) waxaana siiney xigmad (Nabinimo) iyo fahmo iyo hadal cadday (iyo garsoorid).
وَهَلْ أَتَاكَ نَبَأُ الْخَصْمِ إِذْ تَسَوَّرُوا الْمِحْرَابَ
( 21 ) 
Ma ku soo gaadhay warkii kuwii doodayey, markey Mixraabka ugu soo dheceen.
إِذْ دَخَلُوا عَلَىٰ دَاوُودَ فَفَزِعَ مِنْهُمْ ۖ قَالُوا لَا تَخَفْ ۖ خَصْمَانِ بَغَىٰ بَعْضُنَا عَلَىٰ بَعْضٍ فَاحْكُم بَيْنَنَا بِالْحَقِّ وَلَا تُشْطِطْ وَاهْدِنَا إِلَىٰ سَوَاءِ الصِّرَاطِ
( 22 ) 
una soo galeen Daa'uud markaas uu ka argagaxay, ayna ku dhaheen ha cabsan, waxaan nahay doodayaal qaarkanno qaarkakale dulmiyey, ee si ah noo kala xukun, hana joowrfalin, naguna hanuuni jidka toosan (xaqa).
إِنَّ هَٰذَا أَخِي لَهُ تِسْعٌ وَتِسْعُونَ نَعْجَةً وَلِيَ نَعْجَةٌ وَاحِدَةٌ فَقَالَ أَكْفِلْنِيهَا وَعَزَّنِي فِي الْخِطَابِ
( 23 ) 
(Waxayna dheheen) kani waa walaalkay wuxuuna leeyahay sagaal iyo sagaashan Ido ah, anna waxaan leeyahay mid kaliya, wuxuuna sheegtay inaan siiyo hadalkiina wuu igaga adkaaday.
قَالَ لَقَدْ ظَلَمَكَ بِسُؤَالِ نَعْجَتِكَ إِلَىٰ نِعَاجِهِ ۖ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ الْخُلَطَاءِ لَيَبْغِي بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَقَلِيلٌ مَّا هُمْ ۗ وَظَنَّ دَاوُودُ أَنَّمَا فَتَنَّاهُ فَاسْتَغْفَرَ رَبَّهُ وَخَرَّ رَاكِعًا وَأَنَابَ ۩
( 24 ) 
Wuxuuna yidhi «Daa'uud» wuu kugu dulmiyey warsashada Laxdaada (inuu ku biiriyo) Idihiisa, in badan oo ka mid ah kuwa wax isku darsadana qaarkood waxay ku xadgudbaan (dulmiyaan) qaarka kale, marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyey ee camalka wanaagsan falay, wayna yaryihiin kuwaasi, Daa'uudna wuxuu umaleeyey inaan ibtileynay wuyxuuna ka dambidhaaf dalbay Eebihiis, rukuuc (sujuudbuuna) la dhacay wuuna noday.
فَغَفَرْنَا لَهُ ذَٰلِكَ ۖ وَإِنَّ لَهُ عِندَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَآبٍ
( 25 ) 
Markaasaan u dambi dhaafnay, agtanada wuxuu ku leeyahay dhawaansho iyo noqosho fiican (darajo sare).
يَا دَاوُودُ إِنَّا جَعَلْنَاكَ خَلِيفَةً فِي الْأَرْضِ فَاحْكُم بَيْنَ النَّاسِ بِالْحَقِّ وَلَا تَتَّبِعِ الْهَوَىٰ فَيُضِلَّكَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۚ إِنَّ الَّذِينَ يَضِلُّونَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ بِمَا نَسُوا يَوْمَ الْحِسَابِ
( 26 ) 
(Eebe wuxuu yidhi): Daa'uudow annagaa kaa yeeley khaliifka dhulka ee dadka kukala xikun xaqa hana raacin hawada (xun) oo kolkaas uu kaa dhumiyo jidka Eebe kuwa ka dhuma jidka Eebe waxaa u sugnaaday cadaabdaran halmaankoodii Maalinta xisaabta (Qiyaamada) darteed.
وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاءَ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا بَاطِلًا ۚ ذَٰلِكَ ظَنُّ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ فَوَيْلٌ لِّلَّذِينَ كَفَرُوا مِنَ النَّارِ
( 27 ) 
Maanaan u abuurin Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya dana laan (Ciyaar). taasina waa siday maleeyeen kuwii Gaaloobay halaaguna wuxuu ugu sugnaaday kuwii Gaaloobey Naar.
أَمْ نَجْعَلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَالْمُفْسِدِينَ فِي الْأَرْضِ أَمْ نَجْعَلُ الْمُتَّقِينَ كَالْفُجَّارِ
( 28 ) 
Miyaan ka yeeleynaa kuwii xaqa rumeeyey oo camal fiican falay sida kuwa hallayn dhulka, mise waxaan kala mid dhigaynaa kuwa dhowrsada kuwa xun oo kale (Gaalada).
كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ مُبَارَكٌ لِّيَدَّبَّرُوا آيَاتِهِ وَلِيَتَذَكَّرَ أُولُو الْأَلْبَابِ
( 29 ) 
(Quraanku) waa kitaab aan kugu soo dajinay oo barakeysan, si ay u fiiriyaan dadku aayaadkiisa iyo inay waantoobaan kuwa caqliga leh,
وَوَهَبْنَا لِدَاوُودَ سُلَيْمَانَ ۚ نِعْمَ الْعَبْدُ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ
( 30 ) 
Waxaan siinnay Nabi Daa'uud (wiikiisii) Suleymaan ahaaa wuxuuna ahaa adeec (Eebe) oo fiican toobad keen badan.
إِذْ عُرِضَ عَلَيْهِ بِالْعَشِيِّ الصَّافِنَاتُ الْجِيَادُ
( 31 ) 
Xusuuso marka loo bandhigay Casarkii Fardo oradbadan oo fiiefiican.
فَقَالَ إِنِّي أَحْبَبْتُ حُبَّ الْخَيْرِ عَن ذِكْرِ رَبِّي حَتَّىٰ تَوَارَتْ بِالْحِجَابِ
( 32 ) 
Oo markaas uu yidhi ma waxaan ka jeclaan xusidda Eebe xoolo, inta Qorraxdu ka dhacdo.
رُدُّوهَا عَلَيَّ ۖ فَطَفِقَ مَسْحًا بِالسُّوقِ وَالْأَعْنَاقِ
( 33 ) 
ii soo celiya wuxuuna bilaabay inuu ka taabto Dhudhumade iyo Luqunta (uu gawraco sadaqo darteed).
وَلَقَدْ فَتَنَّا سُلَيْمَانَ وَأَلْقَيْنَا عَلَىٰ كُرْسِيِّهِ جَسَدًا ثُمَّ أَنَابَ
( 34 ) 
Dhabahaan yaan u fidmeynay (imtixaanay) Nabi Suleymaan, waxaana ku tuuray kursigiisii jasad markaasuu toobad keeney.
قَالَ رَبِّ اغْفِرْ لِي وَهَبْ لِي مُلْكًا لَّا يَنبَغِي لِأَحَدٍ مِّن بَعْدِي ۖ إِنَّكَ أَنتَ الْوَهَّابُ
( 35 ) 
Wuxuuna yidhi Eebow ii dambi dhaaf ina sii xukun aan ku habooneyn cid igadambeeysa adaa bixin badane ahe.
فَسَخَّرْنَا لَهُ الرِّيحَ تَجْرِي بِأَمْرِهِ رُخَاءً حَيْثُ أَصَابَ
( 36 ) 
Waxaana u sakhirrey daheysha iyadoo ku socota amarkiisa iyadoo jilicsan meeshuu doono.
وَالشَّيَاطِينَ كُلَّ بَنَّاءٍ وَغَوَّاصٍ
( 37 ) 
Shayaadiinta (Waxaan usakhirey) mid wax dhisid iyo mid dhunbasho badanba.
وَآخَرِينَ مُقَرَّنِينَ فِي الْأَصْفَادِ
( 38 ) 
Iyo kuwo kale oo ku xidhxidhan silsilado.,
هَٰذَا عَطَاؤُنَا فَامْنُنْ أَوْ أَمْسِكْ بِغَيْرِ حِسَابٍ
( 39 ) 
(Waxaan ku nidhi) tan waa siismada ee bixi ama hayso xisaab la'aan.
وَإِنَّ لَهُ عِندَنَا لَزُلْفَىٰ وَحُسْنَ مَآبٍ
( 40 ) 
Wuxuuna ku leeyahay agtanada dhawaansho iyo noqosho fiican.
وَاذْكُرْ عَبْدَنَا أَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الشَّيْطَانُ بِنُصْبٍ وَعَذَابٍ
( 41 ) 
Xusuuso addoonkeygii Ayuub ahaa markuu u dhawaaqay (baryey) Eebihiis isagoo dhihi wuxuu itaabsiiyey shaydaan dhib iyo Cadaab.
ارْكُضْ بِرِجْلِكَ ۖ هَٰذَا مُغْتَسَلٌ بَارِدٌ وَشَرَابٌ
( 42 ) 
Waxaana ku nidhi ku garaac Lugtaada (dhulka) waxaana ku nidhi kani waa Biyo meydhi ah qabowna lana cabdo.
وَوَهَبْنَا لَهُ أَهْلَهُ وَمِثْلَهُم مَّعَهُمْ رَحْمَةً مِّنَّا وَذِكْرَىٰ لِأُولِي الْأَلْبَابِ
( 43 ) 
Waxaana siinnay Caruurtiisii iyo kuwo kale oo lamid ah naxariis xagganaga ka ahaatay iyo xusuus kuwa caqliga lch.
وَخُذْ بِيَدِكَ ضِغْثًا فَاضْرِب بِّهِ وَلَا تَحْنَثْ ۗ إِنَّا وَجَدْنَاهُ صَابِرًا ۚ نِّعْمَ الْعَبْدُ ۖ إِنَّهُ أَوَّابٌ
( 44 ) 
Kuna qabo gacantaada xidhmo laamo ah kuna garaac hana jabinin dhaarta waxaana ku ognahay inuu yahay samre addoon fiican ah toobadkeenna badan.
وَاذْكُرْ عِبَادَنَا إِبْرَاهِيمَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ أُولِي الْأَيْدِي وَالْأَبْصَارِ
( 45 ) 
Xusuuso addoomadannadii (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Isxaaq iyo Nabi Yacquub ee ku xoog badnaa cibaadada kuna aragdheeraa (xaqa).
إِنَّا أَخْلَصْنَاهُم بِخَالِصَةٍ ذِكْرَى الدَّارِ
( 46 ) 
Anagaa u dooranay xusidda aakhiro.
وَإِنَّهُمْ عِندَنَا لَمِنَ الْمُصْطَفَيْنَ الْأَخْيَارِ
( 47 ) 
Waxayna ka yihiin agtanada kuwo la doortay oo wanaagsan.
وَاذْكُرْ إِسْمَاعِيلَ وَالْيَسَعَ وَذَا الْكِفْلِ ۖ وَكُلٌّ مِّنَ الْأَخْيَارِ
( 48 ) 
48, Xusuusana Nabi Ismaaciil, Alyasac iyo Dul kifli dhamaanna waxay ahaayeen kuwo wanaagsan.
هَٰذَا ذِكْرٌ ۚ وَإِنَّ لِلْمُتَّقِينَ لَحُسْنَ مَآبٍ
( 49 ) 
Waxaas la soo sheegay waa xusuus, kuwa dhowrsadana waxaa u sugnaaday noqosho fiican.
جَنَّاتِ عَدْنٍ مُّفَتَّحَةً لَّهُمُ الْأَبْوَابُ
( 50 ) 
Janada cadnimo loo furay albaabada yey mudan.
مُتَّكِئِينَ فِيهَا يَدْعُونَ فِيهَا بِفَاكِهَةٍ كَثِيرَةٍ وَشَرَابٍ
( 51 ) 
Waxayna ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) waxayna u yeedhaan faakhihad badan iyo Cabbid.
وَعِندَهُمْ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ أَتْرَابٌ
( 52 ) 
Waxaana agtooda ahaan Haween indhahoodu ku koobanyahay Ragooda (dhowrsoon) oo Isla eg.
هَٰذَا مَا تُوعَدُونَ لِيَوْمِ الْحِسَابِ
( 53 ) 
Kaas waxa leydiin yaboohay Maalinta Xisaabta (qiyaamada).
إِنَّ هَٰذَا لَرِزْقُنَا مَا لَهُ مِن نَّفَادٍ
( 54 ) 
Kaasuna waa Rizqigannaga mana dhamaado.
هَٰذَا ۚ وَإِنَّ لِلطَّاغِينَ لَشَرَّ مَآبٍ
( 55 ) 
Xaalku waa sidaas, Gaalana waxaa u sugnaadey noqosho xun.
جَهَنَّمَ يَصْلَوْنَهَا فَبِئْسَ الْمِهَادُ
( 56 ) 
Jahannamo yeyna gali iyadaana u xun Gogol.
هَٰذَا فَلْيَذُوقُوهُ حَمِيمٌ وَغَسَّاقٌ
( 57 ) 
Kaas waa Cadaab, ee dhadhamiya, isagoo ah Biyo kulul iyo Dhaacaanka ehelu Naarka.
وَآخَرُ مِن شَكْلِهِ أَزْوَاجٌ
( 58 ) 
Iyo mid kale oo Cadaab ah oo mooeya ah.
هَٰذَا فَوْجٌ مُّقْتَحِمٌ مَّعَكُمْ ۖ لَا مَرْحَبًا بِهِمْ ۚ إِنَّهُمْ صَالُو النَّارِ
( 59 ) 
Malaa'igtuna waxay dhihi kani waa koox idinla gali Cadaabka waxayna ku dhihi ha soo dhawaanina, waxayna galaan Naarta.
قَالُوا بَلْ أَنتُمْ لَا مَرْحَبًا بِكُمْ ۖ أَنتُمْ قَدَّمْتُمُوهُ لَنَا ۖ فَبِئْسَ الْقَرَارُ
( 60 ) 
Waxay ku dhaheen kuwii raacay kuwii madaxda ahaa ha soo dhawaanina (wanaag halla kulmina) idinkaa na soo galiyey Cadaabkan isagaana uxun meel lagu nagaado.
قَالُوا رَبَّنَا مَن قَدَّمَ لَنَا هَٰذَا فَزِدْهُ عَذَابًا ضِعْفًا فِي النَّارِ
( 61 ) 
Waxayna dheheen kuwii wax raacay Eebow ruuxii nasoo galiyey Cadaabkan u siyaadi laban laab Naarta.
وَقَالُوا مَا لَنَا لَا نَرَىٰ رِجَالًا كُنَّا نَعُدُّهُم مِّنَ الْأَشْرَارِ
( 62 ) 
Waxayna dhaheen (Madaxdii) Gaalada maxaan la arkiweyney rag aan ku tirinay kuwo xun xun,
أَتَّخَذْنَاهُمْ سِخْرِيًّا أَمْ زَاغَتْ عَنْهُمُ الْأَبْصَارُ
( 63 ) 
Ma waxaan ka yeelanay (adduunkuu) Jees jees mise waxaa ka iishey xaggooda Araggii.
إِنَّ ذَٰلِكَ لَحَقٌّ تَخَاصُمُ أَهْلِ النَّارِ
( 64 ) 
Kaasina (doodaas) waa xaq sugan oo ah dooda ehelu naarka.
قُلْ إِنَّمَا أَنَا مُنذِرٌ ۖ وَمَا مِنْ إِلَٰهٍ إِلَّا اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ
( 65 ) 
Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaan uun ahay dige, Eebe aan Eebe ahayna ma jiro ee kaliga ah awoodana badnaa.
رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا الْعَزِيزُ الْغَفَّارُ
( 66 ) 
Ee ah Eebaha samooyinja iyo dhulka iyo waxa udhaxeeyaba, ahna adkaade dambidhaaf badan.
قُلْ هُوَ نَبَأٌ عَظِيمٌ
( 67 ) 
Waxaad dhahdaa Nabiyow Quraanku waa war weyn.
أَنتُمْ عَنْهُ مُعْرِضُونَ
( 68 ) 
Ood idinku ka jeedsaneysaan.
مَا كَانَ لِيَ مِنْ عِلْمٍ بِالْمَلَإِ الْأَعْلَىٰ إِذْ يَخْتَصِمُونَ
( 69 ) 
mana ogayn shirka sare (malaa'igtu) markey doodayaan (Haddaan waxyi jirin).
إِن يُوحَىٰ إِلَيَّ إِلَّا أَنَّمَا أَنَا نَذِيرٌ مُّبِينٌ
( 70 ) 
waxaa uun leywaxyoodey inaan ahaydige muuqda.
إِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي خَالِقٌ بَشَرًا مِّن طِينٍ
( 71 ) 
Xusuuso markuu Eebe ku yidhi malaa'igta anigu waxaan ka abuuri dadka (Aadam) Dhoobo.
فَإِذَا سَوَّيْتُهُ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُوا لَهُ سَاجِدِينَ
( 72 ) 
Ee markaan ejeeyo oon ku afuufo Ruuxdeyda ugu dhaca sujuud (salaan).
فَسَجَدَ الْمَلَائِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ
( 73 ) 
Wayna sujuudey malaa'igtii dhamaantood oo idil.
إِلَّا إِبْلِيسَ اسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ
( 74 ) 
Ibliss mooyee oo is kibriyey kana mid noqday gaalada.
قَالَ يَا إِبْلِيسُ مَا مَنَعَكَ أَن تَسْجُدَ لِمَا خَلَقْتُ بِيَدَيَّ ۖ أَسْتَكْبَرْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ الْعَالِينَ
( 75 ) 
Eebe wuxuu yidhi Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u sujuuddo kaan ku abuuray yaddayda ma iskibrisey mise waxaad ka mid noqotay kuwa islasareeya.
قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِّنْهُ ۖ خَلَقْتَنِي مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُ مِن طِينٍ
( 76 ) 
Wuxuuna yidhi anaa ka kheyroon isaga (aadam), waxaad iga abuurtey naar isagana waxaad ka abuurtey dhoobo.
قَالَ فَاخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ
( 77 ) 
Eebe wuxuu ku yidhi iiga bax samadeyda, waxaad tahay mid la dheereeyeye.
وَإِنَّ عَلَيْكَ لَعْنَتِي إِلَىٰ يَوْمِ الدِّينِ
( 78 ) 
Korkaagana ha ahaato lacanade tan iyo maalinta abaalmarinta.
قَالَ رَبِّ فَأَنظِرْنِي إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ
( 79 ) 
Wuxuu yidhi (ibliis) Eebow i sugtan iyo maalinta la soo bixin dadka.
قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ الْمُنظَرِينَ
( 80 ) 
Eebe wuxuu yidhi waxaad ka midtahay kuwa la sugi.
إِلَىٰ يَوْمِ الْوَقْتِ الْمَعْلُومِ
( 81 ) 
Tan iyo maalinta waqtiga layqaan ah.
قَالَ فَبِعِزَّتِكَ لَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ
( 82 ) 
Wuxuuna yidhi waxaan ku dhaartey sharaftaadee waan baadiyeyn dhamaantood.
إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ الْمُخْلَصِينَ
( 83 ) 
marka laga reebo addomadaada suuban.
قَالَ فَالْحَقُّ وَالْحَقَّ أَقُولُ
( 84 ) 
Eebe wuxuu yidhi dhabtaan kusifoobaa, dhabtaana uhadlaa.
لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنكَ وَمِمَّن تَبِعَكَ مِنْهُمْ أَجْمَعِينَ
( 85 ) 
Waxaana ku dhaaran inaan kabuuxiyo Jahannamo adiga iyo inta kuraacda oo ka midah dadka dhamaan.
قُلْ مَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُتَكَلِّفِينَ
( 86 ) 
Waxaad dhahdaa Nabiyow idin kama warsanaayo xaqa ujuuro, mana ibi kuwa is dhiba (isku dhibawaxaan la firin).
إِنْ هُوَ إِلَّا ذِكْرٌ لِّلْعَالَمِينَ
( 87 ) 
Waxyiguna waxaan waanada caalamka ahayn ma aha.
وَلَتَعْلَمُنَّ نَبَأَهُ بَعْدَ حِينٍ
( 88 ) 
Dhab ahaanna waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo ka dib.